Ra'iisul wasaare Gaas oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan soo celinta nabada taasoo uu tilmaamay in wax muuqda laga gaara

Sunday, August 5, 20120 comments

C/weli Maxamed Cali Gaas Ra'iisul wasaaraha xukumada KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan soo celinta nabada taasoo uu tilmaamay in wax muuqda laga gaaray.
Waxaa uu sheegay R/wasaaraha ka dowlad ahaan inay xooga saarayaan sidii loo soo celin lahaa nabada iyo xasiloonida hase yeeshee waxaa uu tilmamay in loo baahanyahay in kaalintooda ay qaatay shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in qorshaha Ammaanka iyo xasilinta dalka uu qeyb ka yahay ammaanka badda, waxaana uu xusay in qorshahaas uu dhowaan soo shaac bixi doono. "Waan la soconaa dhibaatooyinka ka jirta badaha, in kaluumeysi sharci daro iyo xaalufin lagu haayo, burcad badeedka waa dambilayaal, waayo waa qaadicul dariiqyo "ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog