Waxaa goor dhow soo gaba gaboobay dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka, iyadoo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Avv Ceydiid Ilka-Xanaf uu qeyb qeyb u dhaariyay Xildhibaanada cusub oo la yeerinayay magacooda.
Munaasabada ka socota garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa galay habeenimo, iyadoo la dhaariyay tiro ku dhow 222-Xildhibaan oo ah Mudanayaasha cusub ee Baarlamaanka, waxaana ku jira xubno cusub, kuwo horay uga tirsanaa Baarlamaankii hore.
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf ayaa ka sheegay goobta in Xildhibaanada ay iclaamiyaan waqtiga la dooranayo Gudoomiyaha Baarlamaanka, kuxigeenadiisa iyo doorashada Madaxweynaha, isagoo xusay in Aqalka Baarlamaanka la wareegayo howsha dalka.
Ninka ugu da'da weyn Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa loo doortay inuu si KMG ah u shir gudoomiyo Baarlamaanka cusub waxaa lagu magacaabaa Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo horay ka mid ahaa Ciidamada qalabka sida, waana nin ku cusub Baarlamaanka.
Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa da'diisa tahay 72-jir, isagoo ka cadeeyay madasha, isla markaana Baarlamaanka hada uu leeyahay shir gudoon.
Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Jen. Muuse Xasan Cabdule ayaa ku dhawaaqay in muddo shan maalmood oo berri ka bilaabaneysa ay ku soo gudbiyaan musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana ay ku eg tahay 25-ka bishan, waxaana uu xusay araaji qabashada sagaalka subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo, isla markaana 26-ka bishan la dooran doono Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka.
Sidoo kale Gudoomiyaha KMG ee baarlamaanka cusub ayaa sheegay in maalinta berri ay yeelaneyso kalfadhiga, isla markaana uu furan yahay, waxaana uu xusay in kulanka berri uu ka dhacayo Gaadiidka booliska ay ku soo dooran doonaan.
Xildhibaanada cusub ayaa waxaa ka dhex muuqda Dr. Cali Khaliif Galeyr oo horay Xildhibaano u soo noqday, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Gudoomiyaha xilkiisa dhamaaday, Ra'iisul Wasaaraha waqtigiisa dhamaaday Dr. C/wali Gaas, sidoo kale waxaa ka mid ah Fanaanada caanka ah Saado Cali Warsame oo dhowaan ku dhaawacantay shil gaari ka dhacay duleedka Magaalada Garowe.
Fanaanada Saado Cali Warsame ayaan goob joog ka aheyn goobta lagu dhaarinayay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka, iyadoo haatan ku sugan magaalada Garowe oo ay uga bogsooneyso dhaawicii soo gaaray.
Madaxweyne Shariif ayaa ugu dambeyn soo xiray Munaasabada lagu dhaariyay Xildhibaanada iyo Kalfadhigooda u horeeyay ee ay yeeshaan Xildhibaanada cusub, isagoo bogaadiyay tallaabo cusub oo uu ku tilmaamay inay tahay mid taariikhi ah, laguna guuleystay xubnihii u horeeyay baarlamaan la dhaariyo.