Xiddiga Qaranka Faransiiska ahna Ciyaaryahan laf dhabar u ah kooxda Manchester City Samir Nasri ayaa waxa uu noqday Laacib aad u Nasiib badan oo hadane amaan balaaran ka helay maalinta Ciida guud ahaan Dunida Muslimka ah.
Xiddigaan ayaa horyaalka Ingiriiska oo furmay waxa uu Goolkii guusha u saxiixay kooxda Manchester City kulankii ay kala hor tageen naadiga FC Southampton kaas oo ku dhamaaday 3-2. Samir Bin Nasri ayaa markii uu Goolka Guusha dhaliyay waxa uu si toos ah ula soo baxay Funaanad ay ku qorneed " Eid Mubaarak " wuxuuna ku salaamay Dunida Islaamka ah oo ku guda jirtay maalinta Farxada Ciida.
Arinta ugu yaabka badan waxeey tahay waxaa horay u jiray Laacibiin Islaam ah oo Munaasabadaan oo kale Funaanado Ciida ah diyaarsaday waa hadii ay Gool u dhaliyaan kooxahooda balse Nasiibkaan waxaa run ahaantii xaq u yeeshay kaliyah Ciyaaryahan Samir Bin Nasri oo Goolkii guusha u saxiixay kooxda Manchester City dhamaadkii Ciyaarta daqiiqadii 80-aad.
Ciyaaryahan Samir Nasri wuxuu asaal ahaan ka soo jeedaa dalka Al Jeeriya balse wuxuu ku dhashay Taariikhdu markeey eheed 26-kii bishii Juun sanadkii 1987-kii magaalo xeebeedka Marseille oo ku taal dalka Faransiiska waana Xiddig shalay iyo maanta ka soo dhex muuqday Telefishinada Dunida Muslimka ah.