Daawo Sawirada "Gurmad Caafimaad oo loo sameeyay dadka barkacayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho"

Sunday, August 5, 20120 comments

Deeq dawo ah oo ay iska soo aruuriyeen dhaqaatiirta ka shaqeya xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay ee magaalada Muqdisho ayaa maanta la gaarsiiyay qoysaska danyarta ah iyo kuwa barakcayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho.


Deeqdani daawo oo aheyd mid ay dhaqaatiirta ka soo jareen mushaaradka ay qaataan isla markaana ay ka faa’iideen qoyaaska danta yar oo caruutooda la dhibaateysanaa cuduro kala duwan,waxaana qaar ka mid ah dadkii deeqdani daawada ah la gaarsiiyay ayaa dareenkooda ka muujiyay xiliga deeqdani daawada ah la soo gaarsiiyay,waxaana ay sheegeen in dhibaato xoogan ay u qabeen daawada iyo gurmadka caafimaad ee maanta loo sameyay.

Dhanka kale Dr Max’ed Xuseen Muumin oo ka mid ah dhaqaatirta baaritaanada lacag la’aanta ah iyo daawada deeqda ah gaarsiiyay dadka danyarta ah iyo barakacayaasha ayaa tilmaamay go’aankani ay qaateen kadib markii uu soo gaaray cabash uga imaaneysay dadka barakacayaasha ah oo ku aadan caafimaadkooda isla markaana aysan mansab iyo darajo kale ku dooneyn balse Islaanimo iyo Soomaalinimo ugu gurmadeen dadkani walaalahooda ah.
Sidoo kale Dr Maxe’d Waxaa uu balan qaaday in mudo bil ah ay ku soo noqnoqon doonan goobta ay maanta gargaarka caafimaad ka sameeyeen si ay uga war qabaan xaalada caafimaad ee dadka ay maanta u gurmadeen.

Tilaabadani ayaa waxaa ay qeyb ka tahay gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed kuwooda danyarta ah iyo kuwa ku soo barakacay gudaha magaalada Muqdisho ee ay la soo derseen dhibaatooyin kala duwan oo caafimaad darida ay qeyb ka tahay.





Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog