Ugu dambayntii Maxamed Farah oo ah orodyahan u orda dalka Ingiriiska ayaa ku guuleystey billada dahabka ee ciyaaraha Olombikada caalamka isagoo hore u haystey billada dahabka orodada tobanka kun ee caalamka.
Mo Farah ayaa kaalinta koowaad waxa uu ku galay orod dhan 27 daqiiqo 30.42 isagoo ka hormaray oo kaalinta 2aadna soo ciriirsaday orodyahanka USA ee Galen Rupp halka kaalinta Saddexaad uu galay ninkii hore afar sano kahor ugu guulestey billada dahabka ee Tariku Bekele oo reer Ethiopia ah.
Inkastoo ay tahay markii ugu horeysey ee uu Mo Farah ku guuleysto tartanka Olombikada ayaa hase ahaatee waxa uu haystaa billada dahabka ee caalamka oo idil ee orodka tobanka kun ee Mitir.
Mo Farah oo ku dhashay magaalda Muqdisho 23 March 1983 hase yeeshee isagoo sideed sano jira kuna beegan xilliyadii dagaalada sokeeye ee ay ka bilowdeen Soomaaliya ayaa tegey dalka Ingiriiska halkaa oo uu dhalashada dalkaasi la siiyey.
Mo ayaa sidii caadada u ahayd markii uu hubsaday inuu kaalinta koowaad galay uu Alle u sujuuday una mahadceliyey guusha uu gaarsiiyey.
Garoonka Olombikada oo dadka ku sugnaa ay aad ugu sacaba tumayen Mo Farah ayaa markii hore waxa ay ka naxeen kadib markii tobankii daqiiqo ee ugu horeysey uu ahaa mid aan ka muuqan raggii la tartamayay.
Hase ahaatee waxa ay wax walba isbedeleen tobankii daqiiqo ee ugu dambaysay. Mo ayaa waxaa la tartamayay orodyahano dhowr ah oo ka soo jeeda dalka Ethiopia iyo Kenya oo ah wadamada hore caalamka u haystay orodada dhaadheer ee tobanka kun oo mitir.
Mo Farah ayaa soo afjaray in labadaa wadan ay iska haystaan orodka dhaadheer isagoo tusay in wax lala qeybsan karo. Farxadii caawa ka muuqatay Mo Farah markii uu guushan gaaray ayaa waxaa garoonka kula qeybsaday xaaskiisa Tania Farah oo ah gabar u dhalatay dalka Ingiriiska iyo gabadhooda yar Rhianna. Mo Farah ayaa waxa uu hadda ku nool yahay dalka Maraykanka Portland, Oregon.
Waxana uu ku faraxsanaa Mo Farah caawa in kaalinta labaad uu soo galo saaxibkii orodyahanka USA ee ay tababarka isla qaataan Galen Rupp. Guusha uu gaaray caawa Mo Farah ayaa waxa ay tusin kartaa dadka Soomaaliyee gaar ahaan dhalinyarada in haddii la dadaalo la gaaro karo heer isla markaana dunida wax lala qeybsan karo.
Orodkii tobanka kun ee gabdhaha ayaa waxaa kaalinta koowaad gashay gabar u dhalatay dalka Ethiopia halka kaalinta labaad iyo saddexaad ay galeen labo gabdhood oo u ordayay dalka Kenya.