Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo salaadii Maqrib lagu dilay Xamar weyne

Sunday, August 5, 20120 comments

Kooxo Hubeysan ayaa salaadii maqrib kadib ku dilay Xaafada Via Roma Maareeyihii Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Ibraahim Iimaan Xalane, iyagoo goobta ka baxsaday kooxihii ka dambeeyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la dilay markii uu ka soo baxay Masaajidka lagu magacaabo Abati, waxaana kooxaha dilka geystay ay ahaayeen labo nin oo bastoolado ku hubeysan.

Gudoomiyaha degmada Xamar weyne C/llaahi Sahal Gardhuub ayaa sheegay in ragga dilka geystay ay galeen degmada Xamar Jajab oo sida uu yiri ay tahay meel qatar ah sida uu yiri.

"Ciidamada ayaa ka daba riday rasaas waxaa ay ku carareen Xamar Jajab, meesha la yiraahdo Buur-Karoole waa meel qatar ah"ayuu yiri C/llaahi Sahal Gardhuub.

Dilkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Mas'uul sare loogu geysto degmada Xamar weyne.

Xafiiska Shabakada gubtanews.com
Muqdisho Somalia
gubtanews.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog