Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa la ciir ciireysa dadkii ugu faraha badnaa, iyadoo meel walba ay dadka ku kulmaan laga hadal haayo siyaasadaha ka jira Caasimada iyo is bedelka ka muuqda.
Saxmada ka jirta magaalada ayaa noqotay mid saameyn ku yeelatay sicirka suuqyada, waxaana saameynta labaad ay ku yeelatay qoysaska guryaha ku nool markii ay wax walba ku qaaliyoobeen.
Qiimaha Hilibka ee suuqyada ayaa sare u kacay, waxaana marka aad subaxdi hore u kalahdo kawaanada Hilibka ay adag tahay in xilli hore aad hesho, maadaama ay wax walba ay dadka u carbuunan yihiin.
Ganacsatada Hilibka ayaa ku sheegaya in habeenkii lala soo xiriiro ka hor inta aanu subaxdii u dheelman inuu hilibka iibiyo.
Maqaaxida iyo Hotelada ayaa la ciir ciiraya dadkii ugu faraha badnaa, waxaana ay iibsadaan Hilibka kawaanada lagu iibiyo, iyadoo taasi keentay inuu sare u kaco qiimaha Hilibka.
Halkii Kiilo ee Hilibka xoolaha ee Geela iyo Ariga ayaa gaaray min 150-kun shiling Soomaali oo u dhiganta $7 (Todobo Doolar), waana arrin ku cusub qiimaha.
Hotelada ayaa waxaa degan Musharaxiin isugu jirta kuwo doonaya madaxtinimada iyo kuwa kale ee u hanqal taagaya Xildhibaanimo, sidoo kale Guryaha qaar ama xarumaha ayaa iyana ah kuwo dadka ay kireysteen, waxaana si la mid ah qiimaha hilibka sare u kacay shaqaalaha guryaha oo hada aan la arkeyn.
Arrintan ayaa ka dambeysay iyadoo 20-ka Agosto la filayo inay Muqdisho gasho is bedel siyaasadeed iyo doorashada madaxtinimada Soomaaliya, waxaana wali magaalada ku soo qul qulaya dadka doonaya inay siyaasada wax ka helaan.

Jowhar.com