Howl galo ballaaran ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada Booliska iyo nabadsugida oo ka socda Huriwaa

Saturday, August 11, 20120 comments

Howl galkii ugu ballaarnaa oo ay si wada jir uga qeyb qaadanayaan Ciidamada Booliska iyo kuwa nabadsugida ayaa tan iyo saaka ka socda Xaafadaha degmada Huriwaa, iyadoo howl galkan uu saameeyay guud ahaan degmada.

Sida ay sheegayaan wararka howl galkan ayaa waxaa ka socdaa Xaafadaha Suuqa Xoolaha ilaa Ex Koontarool Balcad, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay qaraxyo miino lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada dowladda, kaasoo dhimasho iyo dhaawac sababay.

Gudoomiyaha degmada Huriwaa Cumar Jacfaan ayaa sheegay in baaritaanada ay qeyb ka yihiin sugida ammaanka, isagoo tilmaamay inuu yahay mid guud ahaan degmada laga sameynayo howl galada.

"Maalmahan waxaa degmada ku soo batay qaraxyo, ciidamada waxay dar-dar gelinayaan howl galkii lagu baacsanayay kooxaha nabad diidka, wali waa uu socdaa"ayuu yiri Cumar Jacfaan oo dhowaan ka badbaaday isku day markii lagu weeraray Hoyga uu ka degenaa degmada Huriwaa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dad fara badan lagu qab qabtay howl galada oo ay ku jiraan dad mehrado ku lahaa Xaafada Suuqa Xoolaha.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii qaraxyo miino lagula eegtay Ciidamada dowladda oo marayay wadada Ex Koontarool Balcad ilaa Suuqa Xoolaha, iyadoo ay ku dhinteen ilaa 10-askari, weerarkii u dambeeyay ayaa shalay waxaa ka badbaaday sarkaal ka tirsan dowladda oo gaarigiisa qarax miino lala eegtay.

Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog