Waxaa Xalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ka dhacday Duqeyn culus ay geesteen Maraakiibta Dagaalka Kenya kadib markii la sheegay in Al-Shabaab madaafiic ku weerareen Maraakiibtaasi.
Ilaa 6-Gantaal ay soo rideemn Maraakiibta Dagaalka ayaa ku dhacay xaafado dad rayid ah dagnaayeen halkaas ay ku dhinteen caruur aad u yar yar sidoo kale ay dhawaacyo culus kasoo gaareen Haween, caruur iyo dadkale kale oo da’ ah.
Al-shabaab waxa ay sheegeen in Duqeyntaasi ku dhinteen Caruur yar ayna jirin wax qasaaro ah oo xagooda soo gaaray iyo saldhigyadooda ciidan balse la gudmaaday dad Shacab ah aan waxbo galabsan Ciidamada Kenya ay axsuuq ka geesteen Xalay Kismaayo.
Caruurta ku dhimatay Duqeyntaan ayaa Magacyadooda lagu sheegay Xuseen Barre Dhuuman oo ahaa 11 Sano jir bXareed Barre Dhuuman Da'diisu waa 14Sano jir iyo Wiil kale oo la dhashay Wiilashaan.
Diyaaradaha Dagaalka Kenya iyo maraakiibtooda ayaa dhoor mar oo hore xasuuq ka geestay deegaano katirsan Gobolada Jubooyinka iyadoona mudo sii horeesay Reer isku qoys ahaa Diyaaraduhu ku laayeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhaxe.