Iyadoo maalinta berri ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, kadib markii ay maanta ay kaamil noqotay 30-ka maalmood ee bisha Ramadaan ayaa caawa waxaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho dabaal deg ku aadan Ciidan.
Dunida Muslimka iyo Gobolada dalka Soomaaliyed ayaa maalinta berri si aan khilaaf ku jirin looga ciidayaa, inkastoo labo maalmood isku xiga la kala soomay, hadana waxay noqon doontaa mid dadka ay si guud u ciidaan.
Magaalada Muqdisho ayaa caawa hareeyay dhawaaqa buleyrka oo leydh gaduud cirka ka ifayay, iyadoo dadka qaar u qaatay sida in magaalada dagaal ka socdo, waxaana arrintan dad badan ay aad uga yaabisay dabaal degan oo kale oo aan muddo 20-sano ka dhicin magaalada Muqdisho.
Buleyr-ka ayaa laga ganayay Xarunta Madaxtooyada, iyadoo guud ahaan magaalada aad looga dareemay, dadka ayaa arkayay sida dhimbil gaduudan oo sidii falaar oo kale loo ganay oo cirka ku socotay, waxaase daba socotay rasaas laga maqlay qeybaha magaalada oo iyana cirka loo ridayay.
Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho laga dareemayay diyaar garowga ciida, iyadoo suuqyada ay ahaayeen kuwo camiran oo saxmad kaliya ah, isla markaana dadka ay u dukaameysanayeen sidii Ciida uga qeyb qaadan lahaayeen.