Beesha Caalamka Oo Sheegtay In Xilka Mas’uuliyiinta Dowladda Uu Ku Egyahay 20 August

Sunday, August 19, 20120 comments

Danjireyaasha dowladaha Yurub iyo Mareykanka ufadhiya Soomaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho iyagoo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan qaramada Midoobay waxa ayna sheegeen in maalinta berito ah ay ku egtahay xilka madaxda dowladda Soomaaliya marka laga reebo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
 
Kulan ay maanta ku yeesheen garoonka Aadan Cadde ee magalada Muqdisho danjireyaashaa wadamada Mareykanka, Britain, Talyaaniga Turkiga iyo Augustine Mahega ayaa waxa ay kaga hadleen sida waqtiga loogu talagay ay ugu dhamaan lahaayeen howlaha dowladda si loo soo dhiso dowladda cusub.

Augustine Mahega oo saxaafadda u qabtay shir jaraa’ida ayaa tibaaxay in waqtiga loo qabtay in lagu dhameeyo howlaha u harsan dowladda aan wax waqti ah lagu dareen si loo dhiso dowladda cusub oo ay yeelato Soomaaliya waxa uuna tibaaxay in 20 august ay ku egtahay xilka mas’uuliyiinta dowladda marka laga reebo Madaxweyne Sheekh Shariif kaas oo si KMG ah u haynaya xilka.

Sidoo kale mahiige ayaa intaa ku daray in beesha caalamka ay ka go’antahay sidii ay  u dhisilahaayeen dowlad dhameystiran oo ay yeelato dalka Soomaaliya.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog