Tiro ka mid ah dayuurado milatari oo helicoptaro ah lagana leeyahay dalka Uganda ayaa lagu waayay iyagoo ku jira hawada dalka Kenya Axadii.
Dayuuradahan oo la qorsheeyey in ay caawiyaan ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya kuwaasoo dagaal kula jira ururka Alshabaab sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada Milatariga Uganda.
Sida ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters koox dayuurado Helicoptaro ah ayaa ka soo duulay saldhig magaalada Entebbe ee dalka Uganda balse mid kamid ah dayuuradahaa ayaa soo gaartay magaalada Wajeer halkaa ooh ore loogu qorsheeyey in ay shidaal ka sii qaataan si ay u gaaraan Soomaaliya.
Ciidamada difaaca ee Uganda (UPDF) ayaa sheegay inaysan hayn warar dheeraad ah oo ku saabsan waxa ku dhacay helicoptaradii kale ee la filayay inay soo gaaraan magaalada Wajeer.
Illaa iyo imminka lama sheegin tirada saxda ah ee ay helicoptaradan ka koobnaayeen iyo tirada ciidamada saarneydba. "Baadigoob ayaa soconaya mana garanayno waxa dhabta ah ee dhacay laakiin waan baareynaa waana idiin sheegi doonaa marka aan helno warar faahfaahsan,"ayuu yiri afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulayigye.
Ciidamada Uganda ayaa ah lafdhabarta ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee jooga Soomaaliya. Waxana ciidamada cirka ee dalka Uganda ay sheegeen dhowaan in ay geynayaan gaadiid iyo dayuurado helicoptaro ah gudaha Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamada halkaas hore u sii joogay.