Kooxda Kubadda Cagta Manchester City ee dalka ingiriiska iyo xiddigeheeda ayay u suuro gashay in ay kooxda Chelsea ka fara maroogasadaan koobkii Community Shield ama super Cup-ka Ingiriiska kaddib marki ay kaga guuleysteen 3-2.
Fernando Torres ayaa la hor maray Goolka oo uu daqiiqaddi 40-aad u dhaliyay Chelsea, halka dhammaadkii qaybtii horena karaka casaanka loo taagay Ivanovic oo Chelsea u ciyaara.
Marki la isugu soo laabtay qaybtii labaad ayaa waxaa Man City daqiiqaddii 53-aad u bar bareeyay Yaya Toure, goolka 2-aad ee Naadiga Sky Blue ayaa waxaa u saxiixay Carlos Teves daqiiqaddii 59-aad. Halka Gool quusintana uu ugu sii daray Weeraryahanka faransiiska samir Nasri daqiiqaddii 65-aad.
Geba-gebadii ciyaarta daqiiqaddi 80-aad ayaa Chelsea waxa ay heshay googkoodii 2-aad oo uu u dhaliyay Bertrand inkastoo goolkaasi uusan waxba ka beddelin natiijada, waxaana guushii 3-2 ku raacday kooxda Man City oo sidaa lagu gudoonsiiyay Koobkii Community Shield-ka Ingiriiska.
Waa Markii ugu horeysay ee Man City ay ku guuleysato Koobkan muddo laga joogo 40 sanadood, iyadoo horey u qaaday koobkani markii uu magiciisu ahaa FA Charity Shield 1972-kii.