Dowlada waqtigeedu haatan sii dhamaanayo ayaa u aqoonsatay degmooyin buuxa deegaano ka tirsanaa gobolka Sh/dhexe ee dalka soomaaliya.
Wareegtooyin ka soo baxayay xafiiska madaxweynaha dowlada ayaa waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay loogu aqoonsaday deegaano kamid ah gobolka Sh/dhexe oo ah gobolka uu ka soo jeedo Madaxweyne Shiikh Shariif degmoyin buuxa.
Deegaanada loo aqoonsaday in ay yihiin degmo buuxda ayaa waxaa ka mid ah Ceelbaraf,Alkowsar iyo Ceel Axmed. Degmooyinkan cusub ayaa ah deegaano waaweyn oo si weyn u camiran isla markaana dadka ku nool ay yihiin qaar dadaal ugu jira sidii loo horumarin lahaa.
Degmada Ceelbaraf oo u dhexeysa degmoyinka Mahaday iyo Adan Yabaal oo haatan si rasmi ah loogu aqoonsaday ayaa ah degmo wax soo saarka beeraha iyo xagga dhaqashada xoolaha caan ku ah.
Waxana degmadan dadka ka soo jeeda ee ku nool qurbaha iyo dalka gudihiisaba ay dhowaan bilaabeen in ay ka hirgeliyaan kanaal lagu waraabiyo beeraha iyagoo qoday kanaal dheer oo wax ka taraya wax soo saarka beeraha.
Degmadan ayaa sidoo kale waxa ay caan ku tahay iyadoo qeyb libaax dadkeeda ka qaateen taageerida ururkii Maxaakiimta Islaamiga iyadoo halkaa uu ku yiil dugsi lagu tababaro ciidamada.
Si kasta ha ahaatee dhamaan deegaanada haatan noqday degmooyinka ayaa waxa ay yihiin qaar ay gacanta ku hayaan ururka Alshabaab oo ka taliya inta badan gobolka Sh/dhexe.