Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho qeybo kamid ah buux dhaafiyay oo lagu arkayay Taageerayaasha Raizul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo kuwaa oo isku diyaarinayay soo dhaweynta Farmaajo oo lagu wado in Berri uu yimaadoMagaalada Muqdisho.
Taageerayaashan oo watay Gawaari iyo Mootayaal qaarkoodna lugeenayeen iyaga oo wata boorar iyo sawiro Farmaajo ku sawiran yahay laguna muujinayo in musharax in Madaxweyne loo doorto mudan ayaa lagu arkayay Wadada Maka Al-Mukarama iyo qeybo kale ee Magaalada Muqdisho.
Meelaha qaar ayaa isku badalay dibad bax kadib markii ay tirade ka bateen Taageerayaasha isku diyaarinaya soo dhaweynta Farmaajo ,iyadoona Magaalada Wareegayeen gawaari Codbaahiyaal lagu rakibayay oo laga sii deynayay halku dhigyo Farmajao lagu taageerayay iyo Heeso Wadani ah.
Dadka qaarkood ayaa gawaarida ku dhagsaday Sawirada Raizul Wasaarihii Xukuumadii lawada jeclaaday ee Tayo Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo hada ah Musharax Madaxweyne laguna wado in Maalinta berito ah uu Muqdisho .
Waxaa Magaalada kasocda qaban qaabadii ugu dambeysay oo loogu diyaargaroobayo soo dhaweynta Farmaajo iyadoona dadku isku diyaarinayay in Maalinta berito ah waji farxadeed ugusoo dhaweeyaan Magaalada Muqdisho Raizul Wasaraihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.