Diyaaradii u horeysay oo deeq daawo ah u siday Hay’ada MSF oo afar sano kadib ka degtay Beledweyne

Thursday, August 9, 20120 comments

Diyaarad u sidey shixnad daawo ah isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa afar sano kadib ka degtay garoonka dayuuradaha ee magaalada Beledweyne.

Dawadan oo ka koobnayd 1.2 ton ayaa la sheegay inay ahayd mid uu isbitaalka aad ugu baahnaa isla markaana ay maamulka gobolka Hiiraan soo dhoweeyeen.

Isbitaalka magaalada Beledweyne oo ay gacanta ku hayso hay’ada MSF ayaa waxaa hore dawooyinka loogu dejin jirey magaalooyin kale oo dalka ah. Waxana marar badan hore u dhacday in aysan soo gaarin dawadaas isbitaalka magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax iyo xubno ka tirsan maamulka oo ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaarada u rarneyd hay’adda MSF, isagoo uga mahad-celiyay hay’adda MSF howsha muhiimka ah ee ay u heyso bulshada ku dhaqan gobolka.

Sidoo kale Agaaasimaha isbitaalka Beledweyne Dr Xasan Cumar Siyaad ayaa uga mahadceliyey hay’ada MSF dawadan ay soo gaarsiisey isbitaalka magaalada Beledweyne.

Isbitaalka magaalada Beledweyne oo maalin walba ay soo booqdaan boqolaal ruux ayaa lagu daweeyaa dadka u soo doonta dawooyinka waxana dib u bilaabida duulimaadyada ay dayuuraduhu ku keenayaan dawooyinka ay wax ka bedeli doontaa helitaanka dawooyinka bukaanka ku jira isbitaalka magaalada Beledweyne.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog