Waxaa sii kordhaya Loolanka ka dhaxeeya Madaxda ugu sareysa Dowlada KMG Soomaaliya gaar ahaan Labada Shariif iyo Gaas oo iyagu markaan isku haya cida ku fadhiisan laheed Kursiga uu hada Sheekh Shariif ku fadhiyo.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markii hore watay qorsho ku aadanaa in Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Tan madaxweynaha lakala hormariyo lana soo hormariyo Mida Madaxweynaha si uu ugu tar tamo jagadaasi hadii uu waayana uu mar kale u tar tamo Gudoomiyaha Baarlamaanka si uusan meesha ugu qadin.
Qorshahaas Shariif Xasan ayaa noqday mid fashilma kadib markii uu ka carooday Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyadoona hada lagu heshiiyay in Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya lasoo hormariyo tan Madaxweynaha dib loo dhigo.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markaan u muuqda in uusan ku qanacsaneen Kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka uu kusoo daalay sida uu ugu fadhiyay ,waxa uuna taa badalkeeda wada qorsho ah in uu ku fadhiisiyo Nin hawiye ah si uu Daaqa uga baxo Madaxweyne Sheekh Shariif uuna isku soo sharixin Jagada Madaxtinimo.
Shariif Xasan ayaa hada Dhaqaalo badan ku bixinaya in uu Kursgiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ku fadhiisiyo xertiisa kana soo jeedo Beelaha Hawiye, iyadoona Warar Qaar sheegayaan in uu Kursigaas la rabo Mustaf Dhuxuliow ay yihiin Saaxiibo isku dhaw Shariif Xasan.
Madaxweyne Shariif oo isna ka war helay Qorshaha Saaxiibkiis hore Siyaasaduna kala geesay ee Shariif Xasan ayaa isna wada in Nin kamid ah Beelaha Digil iyo Mirifle in uu u ololeeyo si uu isna Meesha uga saaro Shariif Xasan Sheekh Aadan oo daaqada isna ka bixi Doono hadii Nin beeshiisa kasoo jeeda loo doorto jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Loolanka ayaa sidoo kale waxaa dhinac ka ah Raizul Wasaare Cabdi Wali Gaas oo isna wada qorsha uu meesha kaga Saarayo labada Shariif si uu isagu u noqdo ninka ku guuleesta Jagada Madaxweynanimo hadii meesha ka baxaan Labada Shariif.
Si kastaba Sadaxda Masuul oo hada Muqdisho kuwada sugan ayaa wada olole siyaasadeed oo baaxad weyn iyagoona ku mashquulsan kala gadida Baarlamaanka Cusub iyo sida ay Baarlamaanka uga soo dhax muuqaan karaan dadka iyagu ku siyaasada ah.
Waxaa laga dhursugayaa Cida ku guuleesata Sadaxda Masuul ee ugu sareysa Dowlada KMG ee Soomaaliya kuwaa oo lagu xamanayo in ay heestaan Malaayiin Dollar ay ku doonayaan in ay u adeegsadaan Ololaha Doorashada iyo kala iibsiga Xildhibaanada.