Waxaa goor dhow soo gebageboobay fadhigii Koobaad ee ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu maanta lagu dhaariyey magaalada Muqdisho.
Fadhiga Mudanayaasha Baaralmaanka ayaa waxaa shir gudoominayey General Muuse Xasan Cabdulle oo ay Xildhibaannada Baarlamaanku iska soo dhex saareen islamarkaana ah ninka ugu da’da weyn.
Gudoonka KMGka ee Baarlamaanka Soomaaliya General Muuse Xasan Cabdulle oo Xildhibaannada la hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay in waqtiga lagu xisaabtamo sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in la dedejiyo doorashada Gudoonka Baarlamaanka.
Waqtiga la qabanayo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeennadiisa ayuu gudoonka KMGka ah u asteeyey 26ka bishan ayadoo qabashada araajida Musharixiinta u tartamaya gudoomiyaha Baarlamaankana ay ku egtahay 25ka bishan islamarkaana berri wixii ka dambeeya la qaban doono ayadoo gudiga doorashadana berri lagu dhawaaqi doono.
Fadhiga Labaad ee Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo balamiyey iney isugu yimaadaan maalinnimada berri ah ayaga oo kulankoodana ku yeelan doona xarunta gaadiidka Booliiska degmada C/casiis ee gobolkan Banaadir.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa gebagebadii kulanka ka jeediyey khudbad kooban isaga oo Mudanayaasha cusub ee Baarlamaanka u hambalyeeyey waxaana uu dhanka kale xasuusiyey dhaarta ay u dhaarteen dalkooda,dadkooda iyo diintooda.
Talaabadan maanta lagu dhaariyey Mudanayaasha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqoneysa guul usoo hooyatay shacbiga iyo Dowladda maadaama gudaha dalka lagusoo xulay xildhibaannadan islamarkaana lagu dhaariyey,ayadoo dhanka kalena arintan guusha ugu weyn ee ay xambaarsantahay ay tahay dalkii oo ka gudbay KMG,Dowlad cusubna yeeshay ayadoo gudaha dalka dhismaheeda lagu bilaabay laguna dhameystirayo Insha Allah.