Madaxweyne Caalin Oo Ka Soo Horjeestay Magacaabista Wasiirada Maamulka Galmudug Iyadoona Maanta La Dhaariyay Wasiiradaasi

Tuesday, August 21, 20120 comments

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa Markale waxba kama jiraan ku tilmaamay Wasiiradda uu dhawaan magacaabay Madaxweymah cusub ee maalulkaasi Cabdi Xasan Cawaali “Qeybdiid” iyadoo dhinaca kale isla maanta la dhaariyay wasiiradii la magacaabay.
 
Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Caalin ayaa waxa uu ku sheegay in maalul goboleedka Galmudug ay dhibaatooyin ka wadaan dad sida uu sheegay dambiyo ka galay wadanka kuwaas oo uu yiri in ay carqalad ka wadaan deegaanadaasi.

Madaxweyne Caalin ayaa intaa ku daray in magaalada Muqdisho uu u joogo sidii uu wada tashiyo ula yeelan lahaa Dowladda Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo taageerayaasha maamulka Galmudug sida ay gacan uga geysan lahaayeen xalinta arrimaha Galmudug.

Dhanka kale waxaa maanta la dhaariyay wasiirada maalulka Galmudug waxaana ka mid ahaa wasiiradii la dhaariyay wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta Dr C/weli Sheekh Cali, wasiirka warfaafinta Axmed Maxamed Xasan “Baasto” wasiirka kaluumeysiga C/qaadir Jaamac Cali “Qalab Xoor” iyo wasiirka caafimadka C/llaahi Cilmi Xasan waxaana wasiirada maanta la dhaariyay shalay loo magacaabay xilka.

Dhowaan ayey aheyd markii baarlamanka maamulka Galmudug uu cod aqlibiyad leh ku doorteen in Madaxweynaha maamulkaasi uu yahay Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdid” iyadoo arrinkaasina uu ka soo horjeestay Maxamed Axmed Caalin oo dalka dibadiisa marka uga maqnaa xaalad caafimaad.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog