Guddiga doorashada Baarlamanka oo shaaciyay in berri ay dhici doonto doorashada guddoonka Baarlamanka

Monday, August 27, 20120 comments

Guddiga qaban qaabada Doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey in maalinnimada berri ah ay dhici doonto Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa xilli ay maalinnimadii Shalay aheyd Musharixiinta xilkaasi u taagan hortageen xildhibaannada Baarlamaanka.
 
Afhayeenka guddiga Doorashada gudoonka Baarlamaanka xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim oo wareysi siiyey Warbaahinta Muqdisho ayaa tilmaamay in doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa loo asteeyey iney dhacdo maalinnimada berri ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 28-ka bisha August waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyey inay ku dhacdo si wanaagsan.

Maalintii shalay ayeey musharaxiinta u tartamaysa xilka guddoonka Baarlamanka waxa ay hortageen baarlamanka iyagoo mid mid mudanayaasha ugu sharaxay waxqabadkooda marka la doorto.

Waxaana ilaa iyo hadda u taagan tartankaasi ilaa iyo Shan musharax oo kala ah.

Prof Maxamed Cismaan Jawaari
Prof Cali Khaliif Galeyr
C/rashiid Maxamed Xidig
Cabdi Xaashi C/laahi
Xasan Abshir Faarax.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog