Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo maalmihii ugu danbeyay socdaalo ku mararayay deegaanada hoos taga maamulkaasi ayaa waxaa uu maanta kulamo la qaatay waxgaradka iyo odayaasha ku nool deegaanka Xero Dhagaxleey ee degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Cabdi Qeybdiid oo goobta ka hadlayay ayaa waxgaradka uu la kulamay ku booriyay in deegaanada ay iyagu soo dooranayaan maamuladooda oo aanan laga soo dhisi doonin magaalada Galkacyo.
Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa waxaa uu sheegay in guud ahaan ay mabnuceen xaalufinta Dhirta oo uu sheegay in dhibaato xoogan ay ku qabaan deegaanka iyo duunyad, waxaana uu sheegay in deegaanka Xero Dhagaxleey uu yahay halka ugu badan ee xaalufka uu ka jiro isla markana dhuxusha ugu badan ee loo iib geeyo gobolada kale ee dalka laga jaro halkaasi,maamulkiisuna uusan udul qaadan doonin xaalufinta dhirta.
Sidoo kale Cabdi Qeybdiid waxaa isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo ay gaareen Ceel Dibir ee degmada halkaasi oo iyana si diiran loogu soo dhaweeyay waxaana lagu wadaa in sidoo kale uu kulamo laqaato dadka deegaankaasi ku nool.