Guddiga doorashada oo uu shalay ansixiyey baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya la qaban doono 10-ka bisha September 2012,
Guddigan oo maanta kulan isugu yimid ayaa gabagabadii kulankaa isku raacay in la qabto doorashada tobanka bisha September isla markaana ay soo gudibiyaan codsiyada musharixiinta ka qeybgalaysa doorashada inta u dhexeysa 3da illaa 6da September.
Musharixiin badan ayaa u taagan inay ka qebgalaan doorashada madaxweynaha iyadoo ay tahay doorashadan tii ugu horeysey oomuddo afartan sano ah ka dhacdo gudaha dalka Soomaaliya.
Illaa iyo hadda guddiga doorashada ayaan shaacin shuruudaha laga doonayo qofka musharaxa ah ee isu soo taagayo in uu qabto jagada ugu sareysa ee dalka.
Waxaa magaalada Muqdisho hadda ka wada olole ballaaran musharixiinta doorashada iyadoo hadda ay kala cadaatay beelaha isugu soo haray in ay qabtaan jagada Madaxweynaha maadaama beesha Digil iyo Mirifle ay ku fariisteen kursiga guddoomiyaha Baarlamaanka.
In kabadan soddon musharax ayaa la aaminsan yahay inay haatan doonayan inay isu soo taagaan tartanka madaxweynaha Soomaaliya inkastoo musharixiin badan ay kumidoobeen hal urur kuwaas oo laga yaabo inay soo doortaan hal musharax oo u tartama xilka madaxtinimada Soomaaliya.
Guddiga doorashada ayaa la filayaa in berito ay ku dhowaqan shuruudaha laga doonayo musharax madaxweynaha iyadoo dadka u dhuunduleelo arrimahaa ay sheegayaan in ay dhici karto in lacag badan lagu xiro isa soo sharixida xilka Madaxweynaha.