Degmada Guri ceel ayaa laga hirgeliyey Jaamacad markii ugu horreysey taariikhda iyadoo ardayda gobolka Galgaduud ka saacidi doonta iney uga maarmaan jaamacadihii ay u aadijireen meelo ka baxsan gobolka Galgaduud.
Ardayda ku dhaqan gobalkaasi ayaa si farxadi ku dheehantahay u soo dhaweeyey jaamacadda laga hirgaliyey gobalka Galgaduud iyadoo ardayda dhameysata dugsiyada sare ee gobalkaasi ay in mudda ah ka cabanayeen waxbarashada heerka jaamacadeed oo ey u aadi jireen meelo ka baxsan gobalkaasi.
Madaxa Jaamacaddaasi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Jaamacadan ay hirgeliyeen aqoonyahanno ka soo jeeda gobolka si loo horumariyo waxbarashada gobolka isla markaana ay ardaydu u helaan waxbarasho Jaamacadeed iyagoo aan aadin meelo kale.
Waa markii ugu horreeysay ee gobolkaasi laga hirgeliyo Jaamacad waxaana wax ku barandoona arday farabadan oo ku sugan gobolka kuwaa oo dhameystay waxbarashada dugsiyada sare.