Gudiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka ayaa sheegay inay soo dhameystirayaan liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka, kadib markii xalay ay soo gudbiyeen magacyada 202-ruux oo ah Mudanayaasha cusub ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Gudiga farsamada oo diiday in magacooda aan xusno saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay soo gudbiyaan Liiska xildhibaanada cusub oo buuxa, iyagoo ku wargeliyay Beelaha ku dhiman magacyada inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gudbiyaan gelinka hore ee maanta.
Inkastoo liiska xalay la soo gudbiyay uu ahaa mid horu dhac ah ayaa hadana waxaa ka dhex muuqday Xildhibaanadii hore, qaar ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaano ku cusub saaxada siyaasada, kuwaasoo qaarkood Wasiiro ka soo noqday Xukuumadihii hore.
Tirada hada ka dhiman baarlamaanka ayaa ah 73-Mudane, iyadoo beel walba ay u dhiman yihiin tiro, laakiin waxaa jiray liis ay dib u celiyeen Gudiga farsamada oo ay ku eedeeyeen inay soo buuxin waayeen shuruudaha iyo kuwo lagu soo eedeeyay inay dambiyo galeen.
Beelaha soo gudbiyay Xildhibaanada laga rabo boosaskooda ayaa kala ah Beesha Shanaad oo soo gudbisay 23-xubnood, Beesha Daarood oo soo gudbisay 40-Xubnood, Beesha Dir oo soo gudbisay 53-xubnood, Beesha Hawiye oo soo gudbisay 37-xubnood iyo Beesha Digil iyo Mirifle oo soo gudbisay 49-xubnood.
Baarlamaanka cusub ayaa kulankiisa u horeeyay yeelanaya 20-ka bishan oo ku beegan Isniinta, iyadoo waqtiga yahay mid gabaabsi ah, mudadana ay dhow dahay, ayaa waxaa la ogeyn in si loo kulansiiyo Baarlamaanka in maanta la dhaarin doono iyo in kale.