Saraakiisha dowladda oo sheegay inay guula gaareen lana wareegeen deegaano istiraatiiji ah

Saturday, August 18, 20120 comments

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee Jubooyinka ayaa sheegay inay qabsadeen deegaano ka tirsan Jubada Hoose, markii dagaal qorsheysan ay ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Xarakada Al-Shabaab.

Sarkaal u hadlay Ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Axmed Aadan Xirsi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen deegaano ka tirsan degmada Xagar, halkaasoo uu tilmaamay in Al-Shabaab dadka ku dhibaateynayeen.


"Xagar waxaan u jirnaa ilaa shan KM, waxaan qabsanay deegaano ku dhow dhow sida Tuulada Madar, nimankan Al-Shabaab la yiraahdo dhibaato ayay ka wadeen deegaankaas"ayuu yiri.


Sarkaalkan ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyay ay deegaankaas ku gubeen Shabaab Gaadiid qaad siday, dadna ay ku dileen sida uu yiri.


"Deegaankaas waxay ku dileen dad ganacsato ah, waxay kaloo ku gubeen ilaa saddex gaari"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


Waxaa uu sheegay in ujeedkooda yahay sidii ay u qabsan lahaayeen deegaanka Xagar oo uu xusay inay tahay deegaan muhiim ah oo ay marto wadada isku xirta Kismaayo iyo Gedo.


Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa maalmihii u dambeeyay waday diyaar garow dagaal ku wajahnaa magaalada xeebta ku taal ee Kismaayo, iyagoo aad ugu dhowaanayay.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog