Gudiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka cusub ayaa sheegay in maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqayaan magacyada Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka, kadib markii mudooyinkan ay ku howlanaayeen hubinta magacyada ay u soo gudbiyeen Odayaasha dhaqanka.
Wareysi uu siiyay Idaacada VOA-da La gudoomiyaha gudigan Prof. C/llaahi Xiirey ayaa sheegay in qorshahooda yahay in maanta ay kama dambeys ku dhawaaqayaan magacyada, isagoo xusay in soo xulista ay dhamaatay, isla markaana shir jaraa'id ay qabanayaan.
"Maanta ayaa ku dhawaaqeynaa magacyada, soo xulista waa dhamaatay, waa jirtaa in xubno liisaskooda aan dib u celinay, maxaa yeelay ma aanay soo buuxin shuruudihii looga baahnaa, sida shahaadooyinka dugsiga sare"ayuu yiri Prof. Xiirey oo intaa ku daray in Beelaha ay horay uga cosadeen inay soo gudbiyaan dad soo buuxin kara shuruudaha Xildhibaanimo.
Ilo wareedyo ku dhow dhow Gudiga farsamada ayaa sheegaya in wali ay wax badan ka dhiman yihiin liiska Xildhibaanada cusub, waxaana dib u dhaca sabab u ahaa in xubno la soo gudbiyay ay dib u celiyeen, taasoo tiradii awal loo haayay ay ka hoos-martay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ilaa 170-Xildhibaan ay hayaan Gudiga, kuwaasoo ahaa kuwii ay ka hubiyeen shuruudaha, halka ilaa kontomeeyo kale dib loo celiyay, waxaa qaarkood lagu tilmaamay inay dambiyo ka galeen iyo kuwo loogu magac daray qaswadayaal, balse tiradaas ayaan buuxin karin kooramka la doonayo in lagu fariisiyo Baarlamaanka cusub, waxaana noqon kartaa hadii la helo 184 oo ah sadex dalool labo dalool.
Hase ahaatee waxaa wali jira in beelaha qaar ay ku muransan yihiin xubnaha Baarlamaanka u matalaya, iyadoo taasi aheyd tan ugu weyn ee dib dhaca ku riday waqtigii la filayay in lagu soo gudbiyo liiska Xildhibaanada cusub.
Inkastoo muddo afar cisho ay ka harsan tahay waqtiga loo asteeyay in lagu soo doorto Doorashada madaxweynaha, hadana waxaa muuqata dib u dhac ay geli doonto waqtiga doorashada, waxaana Xildhibaanada cusub laga sugayaa in la dhaariyo ka hor 20-ka Agosto, kadibna ay doortaan Gudoomiye Baarlamaan, kuxigeenadiisa iyo ugu dambeyn doorashada Madaxweynaha.