Xarakada Al-Shabaab oo guula ka gaartay dagaalkii xalay ka dhacay gobalka Gedo

Thursday, August 16, 20120 comments

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Xudur, iyadoo markii labaad Al-Shabaab weerar ku qaadeen degmada muddo 10-maalmood gudahood.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalkan ayaa ahaa mid socday saacado fara badan, iyadoo Al-Shabaab ay gudaha u gashay degmada, markii dagaalka uu ku faafay.


Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Bakool Maxamuud Cabdi Nuur oo ku sugan degmada Ceelbarde ayaa sheegay in Al-Shabaab ay soo qaadeen weerarka abaarihii casir liiqii, isla markaana ay iska difaaceen, isagoo beeniyay wararka sheegaya in Isgaarsiinta ay damiyeen Shabaab.


"Shalay galab bey soo weerareen, waana la iska difaacay, qasaare waa loo geystay, ma ahan daciiftinimo xageena waa na soo weerareen niman difaac ku jira baan aheyn, sidaas darteed Isgaarsiinta waxaan u daminay si aan firxadkooda isu heleelin"ayuu yiri Gudoomiye kuxigeenka oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da.


Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay muddo saacado ah kula wareegeen degmada Xudur, ayna dib uga soo baxeen, inkastoo aanay sheegin qasaare dhinacooda, hase ahaatee dagaalkii xalay ayaa ahaa kii labaad oo bishan Ramadaan gudaheed ka dhaca.


Dagaalkii u dambeeyay oo dhacay 17-kii bishan Ramadaan ayaa Al-Shabaab ku qaaday Xudur, iyadoo halkaas lagaga dilay dagaalyahano dhowr ah oo saraakiisha dowladda ay meydadkooda saxaafada u soo bandhigeen.


Xaalada degmada Xudur ayaa saaka degan, waxaana Ciidamada Itoobiya ay wadaan dhaq dhaqaaqyo xoogan, sidoo kale Isgaarsiinta ayaa ah mid wali hawada ka maqan


Al-Shabaab ayaa xoojisay dagaalada ay ka wado Gobolada dalka bishan Ramadaan, iyadoo deegaano iyo degmooyin dhowr ah oo ku yaal Gobolada Gedo, Bakool iyo Bay ay weeraro si joogto ah ugu qaaday.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog