Isku aadka champion League oo lagu dhowaaqay goor dhow ayaa waxaa kooxaha qaarkood ay ku soo beegmeen kuwo adadag halka kooxo kalana ay is haleelayaan kooxo aan sidaa u sii adkeyn.
Iyadoo aan la dhayalsan karin koox walba maadaama ay soo gaartay Championka ayaa waxaa guruubka geerida ah guruubka D kaasoo ay ku wada jiraan Real Madrid,Manchester City, Borrussia Dortmund iyo Ajex iyagoo ah kooxahan kuwao adadag marka loo fiiriyo guruubyada kale.
Barcelona ayaa waxaa ku soo aaday kooxaha Benfica, Spartak Moscow iyo Celtic halka kooxda ku guuleysatay xilli ciyaareedkii hore ee Chelsea ay ku soo beegmeen kooxaha Shakhtar Donetsk, Juventus iyo Nordsjaelland
Horyaalka xiisaha leh ee Champion League waxaa uu bilaaban doonaa 18ka bisha September ee 2012.

Kooxaha ayaa waxaa ay isugu soo beegmeen sidan:
Group A Porto, Dynamo Kiev, Paris Saint-Germain, Dinamo Zagreb
Group B Arsenal, Schalke, Olympiacos, Montpellier
Group C Milan, Zenit St Petersburg, Anderlecht, Malaga
Group D Real Madrid, Manchester City, Ajax, Borussia Dortmund
Group E Chelsea, Shakhtar Donetsk, Juventus, Nordsjaelland
Group F Bayern Munich, Valencia, Lille, BATE
Group G Barcelona, Benfica, Spartak Moscow, Celtic
Group H Manchester United, Braga, Galatasaray, Cluj
Dhinaca kale ciyaaryahanka kooxda Barcelona iyo xulka Spain Andres Iniesta ayaa ku guuleystay laacibka sanadka ee UEFA Best Player kadib markii uu ka guuleystey Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo ay isugu soo haren tartankan.
Tartankan ayaa waxaa codadkooda ka dhiibta weriyaasha sportiga ee 53 wadan oo qaarada yurub ah.