Labo ka mid ah Saxiixayaashii Road Map-ka oo ka hor-yimid in Maxkamada sare loo gudbiyo Xildhibaanadii la celiyay

Monday, August 27, 20120 comments

Labo ka mid ah Saxiixayaashii Road Map-ka oo maanta kulan ku yeeshay Hoyga Ra'iisul Wasaarihii hore Dr. C/wali Gaas ayaa ka hor-yimid go'aankii ka soo baxay madaxda dowladda ee ahaa dhameystirka Baarlamaanka in xubnihii ay reebeen Gudiga farsamada in loo gudiyo Maxkamada sare, si ay go'aan uga gaarto.

Kulankan ayaa sida muuqatay geed fadhi u ahaa Dr. C/wali Gaas, inkastoo aanu ka soo muuqan shirka jaraa'id, hadana madasha kulanka ayaa ka dhacay Hoyga uu degan yahay.


Madaxweynihii Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo ka mid ahaa saxiixayaasha iyo Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-Libax oo ka mid ahaa xubnaha Ahlusuna ee ka qeyb qaatay heshiisyadii Road Map-ka ayaa sheegay in siyaasad ahaan iyo sharci ahaan ay qalad tahay in Maxkamada sare loo gudbiyo Xulitaanka Baarlamaanka.


"Heshiiskii Galkacyo ee Maarso iyo kii Addis-Ababa ee May 2012, waxay saxiixayaasha Road-mapka ku heshiiyeen ayna saxiixeen in farsamada xulitaanka Barlamaanka cusub loo daayo Guddi madaxbanaan oo ka kooban; 27 xubnood oo Soomaali-ah iyo 7 xubnood oo beesha calamka ka socota, gudigaas oo xubnaha Barlamaanka odayaal dhaqameedka ka hubinayo in ay buuxiyeen shuruudihii lagu heshiiyey ee ka midnoqoshada xubnaha Barlamaanka cusub"ayaa lagu yiri war saxaafadeed ay ku saxiixnaayeen Labadan xubnood horay uga mid ahaa saxiixayaasha Road Map-ka
 
Waxaa ay sheegeen in ujeedadan gudigan madaxa banaan loo sameeyay ay aheyd in soo xulida Baarlamaanka cusub laga ilaaliyo fara gelin dowladii TFG-da iyo saxiixayaasha, inkastoo ay muuqdeen fara gelin ay ku lahaayeen qaar ka mid ah Saxiixayaasha Road Map-ka.

"Shalay oo taariikhdu ahayd Agoosto 25, 2012 ayaa Guddiga Madaxbannaan shaaciyeen in 253 xubnood oo Barlamaanka cusub (00 ah 92%) ay soo dhamaystireen, taas oo ka turjumaysa in tiro Barlamaan oo ka hawlgelikarta Shaqada dastuuriqa ee barlaamaanka ay diyaar yihiin"ayay ku yiraahdeen war saxaafadeedkooda.

Labadan xubnood ee saxiixayaashii Road Map-ka ahaa ayaa waxay cadeeyeen in waajib ay tahay in gudiga loo daayo howsha gunaanudka ee loo igmaday, lagana joojiyo fara gelinta, waxaana ay intaa raaciyeen in shaqadooda ay dhamaaneyso marka ay iclaamiyaan in 275-ta Xildhibaan ay buuxsan tahay, lana dhaariyay.

Xalay ayay aheyd markii shir jaraa'id oo uu Madaxweynaha qabtay ku sheegay in Xildhibaanada la soo celiyay ay go'aan ka gaareyso Maxkamada sare, iyadoo Gudiga farsamada ay maanta diideen inay tagaan Maxkamada sare ee dalka.
 

Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog