Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Avv Ceydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf ayaa ku guul dareystay in Gudiga farsamada uu ku qanciyo inay Maxkamada sare ay yimaadeen, si ay uga hor-cadeeyaan sababaha ay u diideen qaar ka mid ah Xildhibaanadii ay dib u celiyeen.
Sida ay sheegayaan wararka Gudiga Farsamada ayaa diiday inay ka xaadiraan Maxkamada sare, iyagoo sheegay in aanay shaqadooda aheyn, isla markaana howshooda ay wadayaan ilaa ay caawa uga dhamaaneyso.
Arrintan ayaa durba dhalisay khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Maxkamada sare iyo Gudigii farsamada ee soo xulayay Xildhibaanada Baarlamaanka, iyagoo tilmaamay inay diyaar u aheyn inay tagaan Maxkamada.
Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Maxkamada sare oo tagay xarun ku dhow Garoonka diyaaradaha ayaa goor dhow dib isaga soo laabtay, kadib markii ay ka diideen Gudigu, waxaana arrintan ay keentay muran iyo khilaaf hor leh.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo xalay shir jaraa'id ku qabtay Madaxtooyada ayaa sheegay in arrinta Xildhibaanada la diiday ay go'aan ka gaareyso Maxkamada sare ee dalka.
Inkastoo arrinta la sugayay ay aheyd in maanta Maxkamada sare ay go'aan cad ka soo saarto, hadana waxaa muuqanaya in xaalada ay dhinac kale ka cakirantay, is qab qabsigooda uu gaaray meelo ka baxsan halkii awal uu ku ekaa.
Xubnaha Xildhibaanada la soo celiyay oo gaaraya ilaa 16-xubnood ayaa hada ku sugan Xarunta Gobolka Banaadir oo Xafiis ay ku leedahay Maxkamada, halkaasoo goor dhow lagu wado inuu shir jaraa'id ku qabto qareenka u doodaya Xubnaha loo heysto inay dambiyo galeen.
Dhinaca kale waxaa haatan hoyga Ra'iisul Wasaarihii xukuumada dhacday C/wali gaas ka socda kulan ay leeyihiin xubno ka tirsan Saxiixayaasha Road Map-ka oo uu ku jiro Madaxweynihii hore Galmudug Maxamed Axmed Caalin, iyagoo si wada jir ah u cadeyn raba in go'aanka Maxkamada sare ay gaareyso ka soo horjeedaan.
Khilaafka ka taagan Xildhibaanada la celiyay oo xaalkooda gaaray Maxkamada sare ayaa arrinta waji kale u sii yeelaya, waxaana la ogeyn sida Beesha Caalamka arrintan u soo fara gelin karaa, mar hadii dalka hada yeeshay baarlamaan sharci ah, bedelkii xubnaha is haya ee Madaxda waqtigooda dhamaaday ay isku hayaan arrin aan go'aan gaaristooda laheyn.