Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka qeyb galay isu soo bax lagu xusayay sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay markii ay Al Shabaab ka baxeen magaalada Muqdisho.
Isu soo baxa oo uu qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaa ka qeyb galay shacabka 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, oo sitay sawirka madaxweynaha, calanka waddanka iyo hal ku dhigyo ay ku taageerayeen in madaxweyne Shariif Sheekh Axmed mar kale loo doorto madaxweyne marka la gaaro dhammaadka bishan Agoosto.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo ka hadlay isu soo baxa ayaa sheegay in lixda Agoosto ay maalin weyn ku tahay shacabka reer Muqdisho, isagoo madaxweynaha ugu baaqay in maalintaan loo asteeyo maalinta nabadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu Al Shabaab ku eedeeyay in ay dhibaato u geysteen shacabka iyo magaalada Muqdisho.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in Al Shabaab aysan isaga bixin magaalada ee ay ka saareen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale shacabka iyo ciidamada qalabka sida ku amaanay sida wanaagsan ee ay isgala shaqeeyeen ammaanka iyo la dagaalanka Al Shabaab.
R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise oo ka hadlay isu soo baxa ayaa tilmaamay in horumarka dhinaca ammaanka ee dalka ka dhacay ay sabab u tahay dadaalka ay muujiyeen ciidamada Qalabka sida oo habeen iyo maalin u taagan difaaca waddanka iyo ilaalinta nabadda magaalooyinka.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed oo khudbaddii ugu dambeysay ka jeediyay isu soo baxa ayaa sheegay In dad badan aysan maleyneynin in magaalada Muqdisho ay nabad ka noqoneyso dhibaatada mudda ka jirtay, kuwo kalena aysan rumeysneyn in laga guuleysan karo Al Shabaab oo ku soo duullay shacabka Soomaaliyeed.
Khudbaddiisa ayuu madaxweynuhu ugu mahad celiyay dhammaan dowladihii ku caawiyay Soomaaliya in ay ka adkaato Al Shabaab iyo kuwii ka caawiyay dhinaca ciidamada sida dowladaha Uganda, Buruundi, Jabuuti iyo Kenya.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay arrimaha horumarrada ka jira dhinacyada siyaasadda ama horumarka bulshada, isagoo caddeeyay in loo baahan yahay in la dhammeystiro hannaanka loogu gudbayo dowladnimada, isla markaana la sii adkeeyo guulaha laga gaaray ammaanka iyo dib u heshiisiinta.
Shacabkii ka soo qeyb galay isu soo baxa ayuu madaxweynuhu kula dardaarmay in ay wax kasta ka hormariyaan nabadda, taas oo uu sheegay inay mudan tahay in loo huro wax kasta. Kooxaha fannaaniinta Waaberi iyo Iftin ayaa goobta ku soo bandhigay heeso iyo ruwaayado ka tarjumaya ahmiyadda ammaanka, waddaniyadda iyo waliba waxqabadka madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sh Axmed.