Waxaa Maanta Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya kusoo dhamaaday Shirkii muranka iyo is qab qabsiga badan dhaliyay ee lahaayeen Saxiisxayaasha Road-mapka kaa oo kasocday Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.,
Shirka saxiixayaasha Roadmap-ka ayaa wax ka qeyb galay R/wasaaraha Soomaaliya, guddoomiyaha Baarlamanka, maamulada Galmudug, Puntland, ahlusuna waljameeca iyo wakiilka gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahega.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Shirka horey uga qeyb ahaa balse maalintii shalay kasoo carooday kadib markii uu ka carooday qorshayaal ay wataan Raizul Wasarae Gaas iyo Cabdi Raxmaan Faroole iyo soo jeedino isna katimid Gudoomiye Shariif Xasan.
Kadib muran iyo is qab qabsi badan oo shirka hareeyay ayaa Maanta Nairobi lagu soo gaba gabeeyay iyadoona laga soo saaray qodobo dhoor ah oo wax ka badal lagu sameeyay ugu dambeena ay isku raaceen Saxiixayaasha Road-mapka marka laga Reebo Madxweyne Shariif oon goob jog aheen Balse Wakiishay Shariif Xasan.
Madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa muran ka keenay soo xulida Xubnaha Baarlamaanka u malataya Maamulka Khaatumo State iyadoona muran iyo falan qeyb kadib la isku afgartay in dib u eegis lagu sameeyo Xubnaha Sideeada h ee Khaatumo la siiyayna 5-Kamid ah soo xulaan Odayaasha Khaatumo kayimid ee Muqdisho joogay halka 3—da kalana loo dhaafay in ay soo Xulaan Odayaasha Garawe ka yimid ee Muqdisho iyana jooga.
Sidoo kale saxiixeyaasha Road-Mapka ayaa kulankooda uga hadlay arrinta maamulka Galmudug oo dhowaan yeeshay Madaxweyne cusub uuna ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed, arrinta Galmudug waxaa la sheegay in ay dib kulamo uga yeelan doonaan madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya.
Qodobada kale ee wax kabadalka lagu sameeyay waxaa kamid ahaa In Qofka kamidka noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya in aysan aqoontiisa kasareeso Dugsiga sare halka markii hore lagu heshiiyay ugu yarana Dugsiga Sare in uu kasoo baxay,balse markaan laga doonayo Shahaado kasareesa Dugsiga sare ama ugu yaraan Qibrad u dhiganta..
Waxaa sidoo kale Qodobada looga hadlay Shirka ka mid ahaa in ay jiraan Hanjabaadyo iyo fara galin lagu hayo Gudiga Farsamada iyadooan la isku afgartay in amaanka Gudiga loo dhiibo Ciidamada AMISOM si ay hooshooda caadi ugu wataan loona madaxbaneeyo howlahooda shaqo
Waxaa kaloo la isku afgartay doodii ka dhalatay mida lasoo hormarinayo Doorashada Madaxweynaha iyo Mida Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana lagu heshiiyay in sidii caadada aheed la hormariyo Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka kadibna tan Madaxweynaha la xijiyo
Qodobadan ayaana ugu muhiimsanaa kuwii ay isku afgarteen Saxiixayaasha Road-mapka oo Niarobi ku yeeshay kulan muran badan keenay ugu Dambeena uu kasoo carooday Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed