Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed "Beesha Caalamka ma aqbali doonaan in 20-ka Agosto ay diyaar noqon waayaan Xildhibaanada"

Monday, August 13, 20120 comments

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta kulan la qaatay Gudiga xalinta khilaafaadka ayaa ka dalbaday in la soo dedejiyo soo xulista Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka ka hor 20-ka Agosto.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Beesha caalamka aanay aqbali doonin in 20-ka Agosto ay diyaar ahaan waayaan, isagoo tibaaxay in waqtiga haray loo baahan yahay in lagu soo dhameystiro howsha xulista.


"Beesha Caalamka ma aqbali doonaan in 20-ka Agosto ay diyaar noqon waayaan Xildhibaanada, waa dhici kartaa inay dib u dhacdo doorashada Madaxweynaha iyo tan Gudoomiyaha baarlamaanka"ayuu yiri Madaxweyne Shariif.


Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in looga baahan yahay Gudiga inay soo fududeeyaan liiska magacyada Xildhibaanada la soo gudbiyay, si buu yiri loo dhameystiro howlaha xulista Baarlamaanka.


Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Gudoomiyaha gudiga xalinta khilaafaadka ee odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in howshooda meel wanaagsan u mareyso, isagoo meesha ka saaray inay jiraan wax khilaaf ah.


Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa khilaaf xoogan uu ka taagnaa qaabka lagu soo xulayo Xildhibaanada cusub, iyadoo beelaha qaar ay wali isku heysteen Xubinimada Baarlamaanka oo loo kala wato shaqsiyaad kala duwan.


Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu uga qeyb geli doono shir ay leeyihiin dalalka Islaamka.


Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyay Ra'iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga C/wahaab Ugaas Khaliif iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/samad Macalin Maxamuud iyo Mas'uuliyiin kale.


Si kastaba ha ahaatee muddo 7-cisho ayaa ka harsan mudada ay ku egtahay xilliga KMG ee 20-ka Agosto, waxaana marka la gaaro waqtigaas dhici doono Xukuumada hada jirta oo xilligeeda gabaabsiga sii ah.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog