Waxaa Maanta Labo sano kadib Magaalada Muqdisho kusoo laabtay Raizul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke ,kaa oo si weyn Maanta loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Cumar Cabdi Rsahiid ayaa Magaalada Muqdisho ugu dambeysay xiligii laga qaaday Xilka Raizul Wasaarnimo ee Soomaaliya kadib qilaafyo hareeyay Madaxdii ugu sareysay Dowlada ee Xiligaasi.
Cumar Cabdi Rashiid oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho oo sidii hore ka badalan isbadal weyna uu ku yimid dhinaca amaanka iyo hormarada.
Raizul Wasaraihii hore ee Soomaaliya waxa uu sheegay in Xukuumadiisa ay hormuud u aheed in Dowlada ay hormaradaan ka gaarto Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada Dalka Soomaaliya.
Cumar Cabdi Rashiid wali ma uusan Shaacin in uu Magaalada Muqdisho u yimid in uu isku soo sharaxo Jagada Madaxweynanimo ee Soomaaliya ,iyadoona maalmihii ugu dambeeyay Magalada Muqdisho kusoo qul qulayeen masuuliyiin iyo madax hore Dowlada uga tirsaneed oo Xilka Madaxweynanimo isku soo sharaxay.