Majaajiliistaha Caanka ah ee Marshaale oo Caawa lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sunday, August 5, 20120 comments

Allaha u naxariistee majaajiliiste caan ah ayaa caawa fiidkii lagu dilay degmada Waaberi gaar ahaan masaajidka Cali Boolaay ee magaalada Muqdisho, waxaana majaajiliistaha oo lagu magacaabi jiray Cabdi Maaxi Muriidi oo ku magac dheer (Marshaale). Sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow goobta lagu dilay majaajiliiste Marshaale, waxaa dilkiisa ka dambeeyay ilaa afar dhallinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado, kuwaasi oo lix xabadood kala dhacay madaxa, hase yeeshee dhaawiciisa oo markiiba loola cararay isbitaal Madiina ayaa la sheegayaa inuu dhexda ku geeriyooday. Kooxihii ka dambeeyay dilka Allaha u naxariistee Majaajiliiste Cabdi Muriidi Maaxi (Marshaale) ayaa goobtaasi isaga cararay, iyadoo ciidamada Booliska ee halkaasi gaaray aanay u suurtagelin inay gacanta ku soo dhigaan. Majaajiliiste Marshaale oo horay u soo bandhigay sheekooyin fara badan oo ku saabsan arrimaha bulshada maalmihii ugu dambeeyay, kuwaasi oo dadweynaha Soomaaliyeed si weyn u soo jiitay dareenkooda dhinaca nolosha, jacaylka, lamaanayaasha ragga iyo dumarka ayaa xilliyada qaarkood wuxuu ka qeyb qaadan jiray sheekooyinka siyaasadda dalka.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog