Meydka Wiil dhalinyaro ah oo saaka lagu arkay Xaafada Suuqa Xoolaha

Wednesday, August 22, 20120 comments

Meydka Wiil dhalinyaro ah oo jirkiisa ay rasaas ku taalay ayaa saaka lagu arkay Xaafada suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, iyadoo dadka deegaanka ay wali aqoonsan la'yihiin meydka wiilkaas dhalinyarada ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in wiilka dhalinyarada ay da'diisa u dhaxeyso 25-27, isla markaana ay rasaasta kaga taalo dhabarka dambe iyo saableyda feeraha.


Lama oga ilaa iyo hada cida dilkiisa ka dambeysa, hase ahaatee dadka ayaa sheegaya inay maqlayeen xalay rasaas, inkastoo aysan sii faah faahin.


Mid ka mid ah dadka deegaanka oo aan saaka la xiriirnay ayaa inoo sheegay in Meydkan ay baafinayaan, hadii ay waayaan cid sheegata ay Aasi doonaan.


Inta badan Xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa lagu arkaa xilliyada aroortii meydadka la jirdilo iyo kuwa ay rasaasta ka muuqato, iyadoo ay taxane soo ahaayeen tan iyo sanadkii 2007-dii.


Degmada Huriwaa ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo falal amni daro oo ay ku lug leeyihiin Ciidamada dowladda KMG, iyadoo dadka deegaanka ay dhowr jeer cabasho banaan baxyo ah ka sameeyay falalka Ciidamada dowladda ka wadaan degmadaas.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog