Xarakada Al-Shabaab oo soo dhoweysay, geerida Melles Senawi kuna tilmaantay kansar ka go’ay geeska Afrika

Wednesday, August 22, 20120 comments

Xarakada ayaa soo dhoweysay geerida ku timid raisul wasaarihii hore ee Itoobiya Mellez Zenawi oo ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Brusells ee dalka Biljium ka dib markii uu xanuunsanayey muddo labo bilood ku dhow.

Shiikh Max’ed Cismaan Caruus afhayeenkii hore ee xisbul Islaam haatana ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab oo ka qeyb galayey barnaamij Dood ah oo ka baxayey Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in Melles Zenawi uu dhibaato badan u geystay shacabka Soomaalida ahaa Kansar ka go’ay geeska Afrika.

“Geerida gaalkii weynaa ee Melles Zenawi waxay fursad u tahay dhamaan shucuubta ku hoos nool gumeysiga Itoobiya ee maamulkiisa uu ku hayeym dilka, xariga iyo canurinta, gaar ahaan Soomaalida ku nool Itoobiya aad ayaan ugu faraxsannahay geeridiisa” ayuu intaa ku daray Maxamed Ibraahim Caruus.

Waxaa uu intaa ku daray in Melles Zenawi ciidamadiisa ay dhowr sano ka hor soo galeen magaalada Muqdisho ayna ku xasuuqeen kumanaan qof oo shaca ah kuwasoo iskugu jiray caruur, haween, waayeel iyo dhalinyaro, wuxuuna xusay in raadadka dhibaatada ciidamada Itoobiya geysteen ay weli ka sii muuqdaan magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka.

Ra'iisul wasaarihii Itoobiya, Melles Zenawi ayaa la shaacisay maanta oo Talaado ah inuu u geeriyooday xanuun daran oo uu isbitaal ugu jirtay tan iyo bishii Jully ee sannadkan, waxaana geeridiisu ay ku soo beegantay xilli Itoobiya ay kumanaan ciidamo ah ka joogaan Somalia.

Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog