Mid kamid ah Bangiyada Muqdisho oo Dhalinyarada ka Dhiibaya Alaabaha ay ku guursanayaan iyo qarashaadka kubaxaya qaab Deyn ah

Sunday, August 5, 20120 comments

Magaalada Muqdisho hada waxa ay ku jirtaa jawi aad u wanaagsan oo dad badan ay jecleesteen iyadoona ay dib usoo laabteen adeegyadii Bulshada sida Bangiyada iyo wax waliba oo Muhiim u ah noole kunool caalmka inkastoo wali aysan gaarsiisneen sidii la rabay

Magaalada Muqdisho waxaa ka furay bangiyo dhoor ah kuwaa oo inta badan dadka lacaga dhigtaan kana qaataan balse waxaa la isku dhaafay dad soo jiidasho iyo waxtar bulsho iyo Caawinaada ruuxaaan manta wax heesan.

Hadaba Bangiga Salam Somali Bankg ee Magaalada Muqdisho waxa uu sameeyaa in Dadka aan hal mar wax heli Karin uu siiyo lacago amaah ah uu kubixinayo waqti lagu balamay taa oon saarneen wax ribo ah balse qaab Islaami ah oo Shareecada Islaamka Waafaqsan lagu kala qaadanayo.

Waxaa jira in Bangiga uu dhalinyaro badan oo waxbarata ka saaciday sidii ay u heli lahaayeen Cumputero ama Laptobyo ay wax ku bartaan taa ay u sahashay bangiga oo qaab amaah ama Deyn ah ugu iibiya kadibna kaga qaada sida tabartooda laguna balamay.

Arinta kale ee la ii sheegay misana aadka aan usoo dhaweeyay ayaa ah in Bangiga Salaam uu bilaabay in dhalinyarada Guurdoonka ah lacagtana aan heesan uu ka bixiyo Qarshaadka ku baxaya guurka sida alaabaha guriga la dhigto oo kale uu u iibinayo hadhowna uu Ruuxaasi lacagaha iskaga dhiibayo sidii loogu tala galay ama loogu balaay ,waxaa kaloo xitaa aan maqlay in Bangiga uu Gabadha u doonayo Ruuxaasi uuna bixinayo lacagta Qoyska iyo arooska ku baxaya..

Arimahan oo dhan ayaa u muuqaneysa mid qeyb ka ah Hor marka Bangiga iyo Is aaminaada oo Magaalada Muqdisho kusoo laabatay sanado badan kadib oo Dagaalo iyo dhibaatooyin magaalka Daris laheed hasa ahaatee hada u muuqata mid cagta saartay Wadadii Wacneed
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog