Waxaa Maanta Xarunta Hay’ada Nabad Sugida Dowlada KMG ee Magaalada Muqdishio lagu soo bandhigay Saraakiil katirsanaa Kooxda Al-Shabaab kuwaa oo la sheegay in ay kasoo goosteen kooxdaasi kuna soo biireen Dhinaca Dowlada . Ragan Shabaab kasoo goostay ayaa ahaa labo Nin oo kooxdaasi mudo katirsanaa Midkoodna uu u qaabilsanaa Dhinaca Dacwada Al-Shabaabka kusugan Gobolada Bay iyo Bakool halka kan kalana uu ahaa Askari Shabaab katirsanaa. Labadan Nin ee Shabaab kasoo goostay Muqdishana Maanta lagu soo bandhigay ayaa lagu kala Magacaabaa Xasan Macalin Ibraahim “Xassan Al wajidi” iyo Yalaxow Xasan Calasow waxana la sheegay in ragan iyagu iskood isku soo dhiibeen. Xasan Macalin Ibraahim “Xassan Al wajidi” oo ahaa Sargaal Shabaab Dacwada u qaabilsanaa Warbaahinta kula hadlay goobtii lagu soo bandhigay ayaa sheegay in go’aankan ay gaareen kadib markii ay u adkeesan waayeen hab dhaqanka Foosha Xun ee Shabaab ku dhaqmayaan uu sheegay in ay tahay mid aan diin sal ku laheyn laguna dhibaateeyo dadka Shacabka ah. Ninkan ayaa sidoo kale Sheegay in Shabaab gardaro ku Gowracaan dadka Shacabka hantidoodana ku dhacaan isagoo Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay iska cafiyaan hadii ay jirto wax dhibatao ah uu ugu geestay magaca kooxdaasi intii uu kamid ahaa. Mudooyinkan Dambe waxaa yaraa Dagaalyahanada Shababa kasoo goosta ee Magaalada Muqdisho lagu soo bandhigo, hasa ahatee waxaa badnaa Raga iyaga oo wali Shababa katirsan Howlgalo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka ay kusoo qabteen Ciidamada Nabad Sugida ee Dowlada KMG.