Musharax Kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Somaliya ayaa ku baaqay in goobjoogayaal caalami ah loo soo diro doorashada madaxtinimo

Monday, August 6, 20120 comments

Warsaxaafadeed laga soo saaray xafiiska musharaxa madaxweynanimada ee Dr Cabdiraxman Macalin Cabdulahi (Baadiyow) ayaa loogag hadlay arrimo kala gedisan oo ay ka mid yihiin kulankii xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka la yeelatay saxiixayaasha road-mapka iyo iyadoo sidoo kale lagu baaqay in goobjoogayaal heer caalami ah loo soo diro doorashada madxtinimo ee lagu wado inay ka dhacdo dalka 20ka bishan August 2012.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu soo dhoweeyey taageerada ay u muujisey xoghayaha arrimaha dibada ee dalka Maraykanka inay u hayso bulshada Soomaaliyeed iyo dhiirigelinta ay ka bixisey in lagu dhamaystiro howlaha kala guurka waqtigii loo qabtay isla markaan la helo dawlad Soomaaliyeed oo karti u leh in ay xilkeeda u gudato si wadajirnimo iyo wada xisaabtan ah.
Waxa uu musharaxa madaxweyne ee dalka Soomaaliye Dr Baadiyow uu markale muujiyey sida uu ugaga walaacsa yahay wax uu ku sheegay farogelinta iyo cabsi gelin joogtada ah ee madaxda TFG-du ay ku hayso odayaasha soo xulaya xubnaha baarlamaanka.

Warsaxaafadeedkan ayaa loogu baaqay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya in uu kaalintiisa sida ugu haboon u fuliyo, oo uu isha ku hayo hawlaha loo xilsaaray. Sidoo kale waxa UN ka iyo Hay,adaha kale ee caalamiga ah laga codsaday in ay Soomaaliya u soo diraan goob-joogayaal hubiya habsami u socodka hawlaha kala guurka.

Ugu dambayntii ayaa waxaa warsaxaafadeedkan lagu muujiyey in loo baahan yahay in golaha ammaanka uu ka qaato go’aan baaritaankii ka soo baxay Monitoring Group July, 2012 ee ku saabsanaa maamul xumada iyo lunsiga hantida qaranka Soomaaliyeed.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog