Waqti ay soo dhawaaneyso xilliga doorashada MadaxtinimadaSomaliya, ayaa hadana waxaa lasii gabogabeynayaa shirarka looga hadlaayo arimaha Road map-ka ama wadada Nabada, si loo hergeliyo dhamaan qodobadii lagu heshiiyay, ka hor doorashada xilka Madaxweynaha bishan aanu ku guda jirno ee Agaust.
Waxaa la soo afmeeray shir labo maalin hogaamiyaasha saxiixay Road map-ka ugu soconayay magalada Nairobiee xarunta dalka Kenya,gaar ahaan Hotelka lagu magacaabo Banaari oo si aad ah ugu dhaw garoonka diyaarada Jomo Kenyatta.
Shirkan oo u muuqanayay kii ugu dambeeyay ee ay isugu imaanlahaayen saxiixayaasha ayaa waxaa si weyn uhareeyay qilaafyo kala duwan oo kuaadan qodabadii laga doodayay, taas oo keentay in Madaxweyne Sh.Shariif uu shirka ka baxo,uuna u duulo Muqdisho, halaakas oo uu hada ku sugan yahay Madaxweynaha.
Qodobadii manta sida weyn loogaga hadlay shirka ayaa waxaaka mid ahaa qaabka soo xulida xubnaha cusub ee barlamaanka, qaabka ay ukalahormaryaan doorashada Madxaweynaha iyo tan Guduumiyaha barlamanka, ka hadalkaxalada Maamulka Galmudug oo iminka muran siyaasadeed oo dhanka awooda madaxtinimada uu ka taagan yahay.walow uu goobta shirka ka dhex muuqday MaxamedAxmed Caalin.
Raiisul Wasare C/Wali Gaas oo warbixin siiyay Warbaahinta waxaa uu sheegay in dhamaan la isku afgartay muran dheer ka dibqodabadii laga hadlay, hadda ka dibna ladoonayo in laga fikiriyo waxii kadambeeya xilliga kala guurka lagu tilmaayay ee 20 bisha Aagust.
Uqaabilsnaha xafiiska siyaasada xogahayaha Qaramada midoobayDr Mahiga oo shirka si aad ah ugu dhax muuqaday ayaa sheegay in si weyn loofalanqeeyay qaabka loo soo xulaayo barlamaanka cusub, isagoo sheegay in looeegi doono aqoonta,awooda Maamul ee ay leeyihiin,dhowrsanaanta dhanka dambiyadataas oo u muuqaneysay in Mahiga uu aad ugu kalsoonaa in lasameyn doono hadalkiisa lana fulin doono rabitaanka Qaramada Midoobay ee ku aadan Siyaasada Somaliya.
Dr, Augustine Mahiga oo wax laga weydiiyay ka bixida shirka maantaee Madaxweyne Shariif Sh.Axmed ayaa ku sheegay mid aan laxiriirin qilaaf dhanka shirka ah,balse Madaxeynaha howlo shaqo dartood uu si deg deg ah ugu aaday magaalada Muqdisho.
Danjire Mahiga ayaa intaas ku dary in isaga iyo gudoomiyahabarlamanka Shariif Xasan ay ugu tageen Sh,. Shariif garoonka diyaaradaha JomoKenyatta, si ay ugu qanciyaan in uu dib ugu soo laabto shirka balse uu Madaxweynahaka biyo diiday arinkaas uuna go,aansaday in uu u dhoofo Muqdisho isagoona gaaray Caasimada, taas oo muujinaysa in khilaaf un uujiray intii uu doono hala ekaadee.
Shiikh Shariif Madaxweynaha Somaliya ayaan si cad uguhadalin sababta keentay in uu isga baxo shirkan labada maalin soconayay eelooga hadlayay qodobo aad muhiim ugu ah doorashada iyo hormarka dalka.
Hadiiba uu jiro Khilaaf udhaxeeya xilligan saxiixayaashaRoad map-ka ayaa waxaa uu caqabad weyn ku noqon doonaa qaabka soo xulka barlamanka cusub iyo ugudbida dowlada Cusub oo ay yeelato Somaliya.