Orodyahan Maxamed Xasan oo maray wadadii ay martay Samsam galayna kaalinta 14aad orodka 1500m

Sunday, August 5, 20120 comments


Iyadoo maanta dunida oo dhan indhaha lagu eegayay ciyaaraha olombikada ee ka socda magaalada London ee maanta galay maalintii ciyaaraha fudud lagu tartamayay ayaa dadweyne badan oo Soomaali ah waxa ay rajo ka qabeen in labada orodyahan ee Soomaaliyeed ee ka qeybgalaysa tartankan ay guulo ka keenaan.

Hase yeeshee iyadoo duhurnimadii maanta loogaga warqabay ay gabadha Soomaaliyeed ee Zamzam Maxamed ay oroday tartanka 400m noqotayna inay ugu dabamarto gabdhihii la baratamayay kuna hartay wareegga koowaad ayaa mar kale caawa waxaa orday Maxamed Xasan oo la filayay in uu wax isbedel ah keeno nasiib daro orodyahan Maxamed Xasan ayaa maray halkii ay martay gabadhii Soomaliyed ee Zamzam waxan uu ka galay kaalinta 14aad oo waxaa ka dambeeyey hal wadan.
Hase yeeshee Maxamed Xasan ayaa daqiiqadihii hore waxa uu ahaa mid dhexda ugajirey orodyahanadii la tartamayay balse markii dambe ayaa la wada dhaafay isagoo ay ka muuqatay in uu hoos u dhac ku imanayay marba marka ka dambaysa.

Inkastoo labadan orodyahan ee ku baratamayay magaca dalka Soomaaliya lagu reebay wareega koowaad ayaa waxaa jirta in berito ay tartami doonaan labo orodyahan oo Soomaali ah balse u ordaya wadamada Great Britain iyo Canada Mo Farah iyo Maxamed Ahmed. Labadan orodyahan ayaa la rajeynayaa in wadamada ay u ordayaan ay u soo hooyaan guul,iyadoo la ogyahay in Mo Farah uu yahay orodyahan haysta orodka tobanka kun ee caalamka.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog