Zamzam Maxamed Faarax OO Soomaaliya U Mateleysa Orodka Gabdhaha ee 400 meter ayaa maanta ka qeyb gashay ciyaarta orodka.
Tartanka waxaa koowaad gashay gabadha Mccorory oo America u ordeysay, kaalinta labaad waxaa gashay Ohurougu oo Great British u Ordeysay, kaalinta sadaxaad waxaa gashay gabadha Sakara oo kenya u ordeysay.
Zamzam tartanka waxay ka gashay kaalinta ugu danbeysa, waxayna ku oroday 1 daqiiqo iyo 20 il biriqsi iyo 48, waxay 30 ilbiriqsi ka dameysay Mccorory oo kaalinta koowaad gashay.
Dadka soomaaliyeed waxay guul u arkaan in calanka iyo magaca Soomaaliya uu tartanka ka dhex muuqday.
ZamZam way dadaashey, waxey la ordaysay gabdho dhowr jeer oo hore ka qeybgalay tartamo caalami ah, waxeey noo tahay guul in ay timaado garoon caalami ah iyadoo sidata magaca Soomaaliya, zamzam hadane waa ay sooneed.hada waxaa aan sugnaa waa maxamed xasan oo ordi rabo 1500 ee meter.
