Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay meel ku dhow Xarunta Shirka Ansixinta ka socdo

Sunday, August 5, 20120 comments

Labo qarax oo ismiidaamin ahaa ayaa saaka lagu weeraray nawaaxiga Xarunta shirka Ansixinta Dastuurka uu ka socdo, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaraxan iyo qasaaraha. Sida ay sheegayaan wararka qaraxyadan ayaa la sheegay inay geysteen labo qof oo xirnaa waxyaabaha qarxa, kuwaasoo sida wararka qaar sheegayaan isku soo ekeysiisyay Ciidamada dowlada labisnaa dareyska ciidamada, halka warar kalena sheegayaan inay isku soo ekeysiiyeen Ergooyinka. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay ka hortageen labada qof ee doonayay inay is qarxiyaan. Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in labada ruux ay soo dhaafeen mid ka mid ah Koontaroolada, isla markaana la istaajiyay, hase ahaatee markii ay istaagi waayeen ay toogteen sida uu yiri. Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay, hadana goob joogayaal ayaa sheegaya in gawaarida Ambalaaska ay sii galayeen halka qaraxa ka dhacay, halkaasoo dhaawacyo laga soo qaadayay. Qaraxa ismiidaaminta ee saaka ka dhacay halka uu ka socdo Shirka ayaa noqonaya kii u horeeyay tan iyo markii uu shirka furmay, wuxuuna ku soo beegmayaa, iyadoo maanta loo fadhiyo Ansixinta shirka dastuurka.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog