Saddex carruur ah ayaa ku geeriyootay laba kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu dulmaray baabuur fariinka goostay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Carruurtan ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen ilmo ku ciyaarayay barxad ku taal agagaarka iskuulkii 21 November ee degmada Waaberi.
Gaariga shilkan ka dhashay ayaa la sheegay in uu ahaa noocisa kuwa raaxada waxaana ciidamada nabadgelyada wadoyinka ay gacanta ku dhigeen gaarigii shilka geystey iyo wadihii gaarigaas.
Taliyaha ciidamada wadooyinka Gen-Cali Xirsi Bare Cali Gaab oo goobta soo gaaray ayaa saxaafada mar uu la hadlayay waxaa uu sheegay in ay gacanta ku hayaan gaaarigii iyo ninkii watay ayna sharciga horgeynayaan sida ugu dhaqsaha badan .
Kadib ammaanka magaalada Muqdisho oo wax iska bedelay bilihii la soo dhaafay ayaa carruurta maalmaha jimcaha waxa ay isugu soo baxaan barxadaha halkaa oo ay ku ciyaaraan kubbada cagta iyo ciyaaro kalaba.