Wararkii ugu dambeeyey fanaanada Nimco Dareen oo lagu weeraray magaalada Nairobi

Friday, August 24, 20120 comments


Fanaanada Soomaaliyeed ee Nimco Maxamed Xasan “NimcoDareen” ayaa la dhigey isbitaal ku yaal magaalada Nairobi kadib markii xalay lagu weeraray goob ay ku dhigeysey bandhig faneed. 

Warar hore oo soo baxayay ayaa sheegayay in fanaanada dhaawac culus uu ka soo gaaray madaxa iyo dhuunta hase yeeshee Bogga Facebook ee NimcoDareen ku leedahay ayaa lagu shaaciyey in aysan qabin dhaawacyo culus balse uu hayo oo qura shock ay ka qaaday weerarkii lagu qaaday. 

Fanaanada ayaa markii ay xalay masraxa fuushay waxaa soo weeraray dhalinyaro ku hubeysan mindiyo iyo ulal. Lamina oga sababta keentay in fanaanada la weearo. 
Bogga Facebook ay ku leedahay Nimco dareen ayaa qoraalkii lagu daabacay waxa uu u qarnaa sidan: 

Nimco Shirqoolki wey ka Badbaadey Hadana Xaaladeda caafimaad wey fiicantahay Naxdinta ku timid e kediska ah mooye , Toorey & mindi la geliyeyna ma jiirto sida Dadka cadowga ku ah Faafinayan dhaawacyo fudud aya so gaadhey dhanka madaxa se wey ladantey.

Alxamdulilah imikanaa Baadhitaano ayay sameyneysa oo Cusbitaal Nairobi ku Yaal ayey ku Sugantey Waxanan mar kale leney Website-yada Caatada ah ee faafinaya warar ayna hubin iney iska Hubsadaan Nimcona waxanu leney mar kale GET WELL SOON NIMCO! - NDAREEN OFFICIAL PAGE ADMIN

Waa markii labaad muddo aan ka badnayn afartan cisho oo dhaawac soo gaaro fanaanad soomaaliyeed waxaana hore bishii aynu ka soo gudubnay ku dhaawacantay shil baabuur fanaanada Soomaaliyeed ee Saado Cali Warsame kadib markii gaari ay saarnayd uu shil ku galay duleedka magaalada Garowe.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog