Taliska Ciidanka AMISOM Oo Sheegay In ay Sugayaan Amniga Mushaxariinta

Friday, August 17, 20120 comments

Taliska ciidanka AMISOM ayaa ka shaaca ka qaaday in ay si isku mid ah ay ula shaqeynayaan dhamaan musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.
 
Afhayeen ciidamada AMISOM Cali Aadan Xumid  oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu uga hadlay qodobo ay ka mid yihiin sida ay ula shaqeynayaan musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimo ee wadanka iyo sidii loo adkeyn lahaa aminigooda.

Cali Aadan Xumid ayaa xusay in AMISOM ayna muhiimada siineen musharax gaar ah lana shaqeynayaan dhamaan dadka musharixiinta ah.

Sidoo kale afhayeenka ayaa carabka ku dhuftay in ciidamo dheeraad ah oo booliis ah la keenayo dalka si ay u sugaan amaanka goobaha lagu qabanayo doorashada madaxtinimo.

Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ugu baaqay ciidmada qalabka sida ee Soomaaliya in ay si iskumid ah ula shaqeeyaan dhamaan dadka u tartamayo xilka wadanka.

Ugu dambeyntii ayuu afhayeenku waxa uu ku adkeeyay musharaxiinta in hadii ay u baahdan in lagala shaqeeyo aminga ay la soo xiriiraan si ay gacan uga siiyaan sugid amaankooda.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog