Hadal heyn badan ayaa maalmihii u dambeeyay ka taagneyd cunista Hilibka Waraabaha oo dhowaan Al-Shabaab ay baneysay, iyadoo shacabka Soomaaliyed ay layaab ku noqotay in Suuqyada lagu iibiyo Hilibka waraabaha, maadaama Diinta Islaamka ay baneysay.
Magaalada Kismaayo ayaa aheyd magaaladii u horeysay ee lagu iibiyo hilibka, markii ay bilaabatay in la ugaarsado waraabaha, inkastoo dhif iyo naadir ay tahay in Soomaalida dhaqan ahaan u cunto Hilib aan aheyn kuwa xoolaha ay dhaqdaan sida Geella, Ariga iyo Lo'da.
Sheekh Maxamed Umal oo ka mid ah Culimada sida weyn looga yaqaano Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay inay xalaal tahay in la cuni karo Hilibka Xoolaha, isla markaana ay Diinta xalaaleysay, isagoo soo qaatay mas'alooyin Diini ah oo baneynaya hilibka waraabaha.
Laakiin waxaa taa ku khilaafsan Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo sheegay in aan la cuni karin Hilibka waraabe, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay, in hadii uu xalaal yahay Hilibka Waraabe uu la mid yahay Libaaxa.
Mid ka mid ah Culimada ayaa sheegaya inuu jiri karo shey xalaal ah, hadana ay Nafta ku diideyso, isagoo soo qaatay in daliilo muujinaya in Asxaabtii hore ay xaywaano qaar ah oo xalaal ah ay hadana diidi jireen inay cunaan, balse Soomaalida ayaan dhaqan u laheyn inay cunaan Hilib waraabe.
Si kastaba ha ahaatee hadal heynta Hilibka waraabaha ayaa ah mid bulshada Soomaaliyed maalmihii u dambeysay aad isla dhex marayeen, waxaana Suuqa magaalada Kismaayo uu ka gaaray Hilibka qiimo dhan $5.5 (Shan Doolar iyo Bar), waxaana dadka qaar ay sheegayaan in Hilibka waraabaha uu daawo u yahay xanuuno qaar oo bani'aadamka ku dhaca.