Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa goordhaw howlgalo balaaran ay sameeyeen waxa ay kula wareegeen Deegaamno dhoor ah oo katirsan Gobolka Sh/Hoose halkaa ay horey gacanta ugu hayeen Dagaalyahanada Al-Shabaab.
Ciidamada Iskaashanaya ayaa saakay ka dhaqaaqay Deegaanka Laanta Buuro iyagoona Dagaal la'aan kula wareegeen Deegaano katirsan Sh/Hoose kadib markii Dagaalyananda Al-Shabaab ee iskaga baxeen Deegaanadaasi ay horey gacanta ugu hayeen.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaana goordhaw usuurto gashay in ay la wareegaan Deegaanka No-50 iyo sidoo kale Aalla Yaasi iyo Deeganao kale oo katirsan inta u dhaxeysa Laanta Buuro iyo Marko iyadoona Ciidamada ay hada kasii gubdeen No-50.
Afhayeenka Ciidamada xooga dalka Soomaaliya Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duule) ayaa sheegay in saakay xaqiijiyeen gacanta ku heynta Deegaano badan oo Shabaab heesteen sida No-50 iyo Alla Yaasir.
Jeneraalka ayaa intaa ku daray in Howlgalkan uu qeyb ka ahaa howlgalo Mudooyinkan kasocday Gobolka Sh/Hoose waxa uuna xusay Dagaalyahanadii Al-Shabaab in aysan sameyn wax iska caabin ah kana carareen deegaanadii ay la wareegeen.
Jen. Cali Caraaye Cosoble waxa uu ku hanjabay in ay ku wajahanyihiin Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose isagoona xusay in Howlgalka si wanaagsan u socdo sida ugu dhawna la wareegi Doonaan Magaalada Marka.
Dhinaca kale Wararka ana ka heleyno Deegaanada ay goordhawe la wareegeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM gaar ahaan Deegaankano-50 ayaa sheegaya in ay ka dhaceen Qaraxyo xoogan oo lala eegtay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ,Qaraxyadaa aan la ogeyn Qasaaraha kasoo gaaray.
Al-Shabaab geestooda wali wax war ah kama soo bixin oo ku aadan deegaanada Saakay lagala wareegay ,inta badana Shabaab loogama baran kahadlida marka ay guuldarooyin soo wajahayaan.
Xafiiska Shabakada gubtanews.com
Muqdisho Somalia
gubtanews@hotmail.com