Daawo Sawirada "Mareykanka oo 12 Diyaaradaha duuliye la’aanta ah ku wareejisay ciidamada Amisom "

Sunday, August 5, 20120 comments

Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton oo booqasho ku mareysa qaaradda Afrika ayaa maanta guddoonsiisay ciidamada dalka Uganda (UPDF) 12-diyaaradood oo nooca aan duuliyaha laheyn ah kuwaas oo loogu talo galay in ciidamada AMISOM ee ka howlgala gudaha Soomaaliya ay ku ugaarsadaan horjoogayaasha Alqaacidda eek u dhuumaaleysanaya gudaha dalka.

Diyaaradahan oo lagu magacaabo “Raven unmanned aircraft” ayaa Hilary Cilinton ku guddoonsiisay ciidamada Uganda munaasabad ka dhacday dugsiga Ciidamada Kasenyi oo qiyaastii 40 k.m u jirta caasimadda Uganda ee Kampala.

Sarkaalka ugu sarreeya ciidamada Uganda oo diyaaradahan guddoomay ayaa ka mahad celiyay, waxaana uu sheegay in ay wax weyn ka tari doonaan la dagaalanka argagixisada Soomaaliya.

Dowlada Mareykanka ayaa hore gudaha Soomaaliya ugu qaarijisay horjoogayaal Ajaanib ah oo ka tirsan Alqaacidda kuwaas oo dilkooda inta badan loo adeegsaday diyaaraaha aan cidina wadin.

12-kan diyaaradood ayaa la filayaa in ay gacan weyn ka geystaan howlgallada dalka looga xoreynayo malleeshiyaadka iyo horjoogayaasha Alqaacidda ee dhibaatada ku haya ummadda Soomaaliyeed.







Xafiiska Shabakada gubtanews.com
Muqdisho Somalia
gubtanews@hotmail.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog